Kulankaan oo ahaa mid ballaaran oo looga hadlayay qaadista Isbaarooyinka yaalla deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xalay waxa uu ka dhacay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wasiirka Gaashaandhiga iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulanka oo ahaa mid xasaasi ah.
Max’ed Sheekh Xasan Xaamud Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ahna sii hayaha xilka Wasiirka Amniga DFS ayaa ka dalbaday Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM in la qaado Isbaarooyinka yaalla Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaas oo ay u yaallaan Maleeshiyo beeleed ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo sidoo kale Kooxo labisan dareeska dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siidii oo ugu horeyn la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay kulankaasi iyo waxyaabihii la iskula soo qaaday.
“waa kulan ay la yeesheen Wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga ahna Wasiirka Amniga qaranka iyo Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha C/raxmaan Bankax saraakiisha Gobolka iyo Kuwa AMISOM la iskulana meel dhigay in Gobolku uu ka caaganaado gebi ahaantiis Isbaaro” ayuu yiri Guddoomiye Siidii.
Si kastaba kulanka Marka ka dhacay ee looga hadlayay Jid gooyooyinka dhibaatada ay ku hayaan Bulshada Shabeelaha Hoose ayaa imaanaya xilli gaadiidleyda gobolkaasi ka shaqeysa ay aad uga cabanayeen isbaarooyin xad ka bax ah oo soo buux dhaafiyay Gobolkaasi.
Shabelle