Kumanaan Askari oo Kusoo Wajahan Maanta Muqdisho iyo..

0
1105

AmisomAfhayeenka ciidamada Uganda Henry Obbo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu in dowlada Uganda ay ciidamo u soo dirtay Somalia kuwaasi oo gaaraya 1440-askari oo kamid noqonaya kuwa midowga Africa ee ku sugan Somalia kuna howlgala magaca AMISOM.

Ciidamadaasi ayaa badali doono kuwa kale oo ka socda dalka Uganda kuwaasi oo 12-bilood ka howlgalayey gudaha dalkani.

Henry Obbo waxa uu xaqijiyey in ciidamadani cusub ay ka qeyb qaadan doonan dagaalka lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee Somalia.

Sidoo kale waxa uu carabaabay in ay la shaqeen doonan ciidamada booliska Somalia.

Henry Obbo oo la hadlaayey wakaalada Anadolu waxa uu yiri “ciidamadani cusub waxa ay yihiin kuwo lagu xoojin doono ciidamada hada midowga Africa kaga sugan Somalia iyo sidoo kale qorshayaasha ay dowlada Somalia ay ku dhisayso awooda ciidamada qaranka dalka”.

Deo Akiiki afhayeenka ciidamada Uganda ee Somalia ayaa wakaalda Anadolian u sheegay in ciidamadaasi ay maanta oo talaada ah soo gaari doonan Muqdisho.
Uganda waxaa kaga sugan Somalia ciidamo gaaraya 6223askari waana dalka ugu badan ay ciidamo ka joogan Somalia.

Warkii