Maamulka Axmed Madoobe oo xabsiga dhigay wariyaal Kismaayo ka howlgala

0
1075

KismayoCityWararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Axmed Madoobe ay maanta Kismaayo ku xireen Ilaa Sedax wariye.

Wariyaashaan oo qaarkood caan ka ah dalka ayaa la sheegayaa in lama filaan xabsiga loo dhigay, iyadoona ilaa hadda aan la ogeyn sababta arintaasi ka dambeysa.

Wariyaashaan ayaa waxaa la kala yiraahdaa Khadar Maxamuud Xareed oo la shaqeeyo warbaahino Somali Chanal Tv ka mid yahay, C/raxmaan Bashiir iyo Mascuud C/laahi Aadan.

Sababta xariga wariyaashaan ka dambeysa lama sheegin ilaa iyo haatan, hase ahaatee maamulka Axmed Madoobe ayaa looga bartay dhibaateenta saxaafadda xurta ah.

Warkii