Maamulka Degmada Qoryooleey oo sheegay in Al Shabaab ay jareen waddooyinka soo gala degmadaasi

0
871

Qoryooley20140415Sida uu Shabelle ugu warramay Guddoomiyaha degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose Max’ed Xaaji Cismaan Ururka Al Shabaab ayaa jaray waddooyin istiraatiiji ah oo soo gala degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al Shabaab ay jareen waddooyinkii shacabka loola soo mari lahaa sahayda gar gaar ama ay ku kala gudbisanayeen adeegyadooda caadiga ah.

“wax kala ulama jeedaan ee dadka in ay nolosha ku ciriiriyaan ayey Rabaan “ ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose Max’ed Xaaji Cismaan.

Ururka Al Shabaab oo deegaanno dhowr ah gacan ku heyntooda laga fara Maroojiyay ayaa lagu eedeeyaa in ay jareen inta badan waddooyinka Muhimka u ahaa deegaanada laga qabsaday.

Shabelle