Guddoomiyaha degmada X/weyne ee Maamulka Gobolka Banaadir C/qaadir Max’ed C/qaadir oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisa uu billaabi doono qorsho cusub oo wax loogu qaban doono ammaanka degmada Xamar Weyne.
Mr C/qaadir ayaa carabka ku adkeeyay in Ciidamada ammaanka degmada Xamar Weyne ay sameyn doonaan Howl gallo lagu xaqiijinayo ammaanka Goobaha Gawaarida la dhigto.
Degmada Xamar Weyne ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo kala duwan oo u badnaa kuwa gawaarida la isugu xiray kuwaas oo qaarkood gallaaftay Xildhibaanno iyo Saxafiyiin iyadoo shalay ay ugu dambeysay kadib qarax degmadaasi ka dhacay oo gaarigiisa loogu xiray Wariye ka howl galayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.
Shabelle