Odayaashani iyo Waxgaradkani ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku eedeeyay Maamulada degmada Marka iyo Lambar 50 ee Gobolkaasi in ay ka dambeeyaan dilalka qorsheysan ee aalaaba ka dhaca degmada Marka iyo deegaanno kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Nabadoon Cali Garaad oo ka mid ah Waxgaradka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku nuux nuuxsaday in Ciidamo taabacsan Guddoomiyaha Degmada Marka Max’ed Cismaan Yariisow ay si barer ah dilal uga geystaan degmada Marka iyo Nawaaxigeeda.
Sidoo kale Nabadoon Xuseen Sheekhdoon ayaa isna tibaaxay in Maamulka deegaanka Lambar 50 uu xad gudubyo kala duwan u geysto rayidka islamarkaana uu Maleego dilal iyo falal kala duwan sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Max’ed Cismaan Yariisow ayaa iska fogeeyay in wax lug ah uu ku leeyahay falalkaasi ka dhacay Shabeelaha hoose isagoo tibaaxay in Masuuliyaddaasi ay qaadaneyso dowladda Soomaaliya sababo uu ku sheegay in labada Maleeshiyo ee dagaalka uu u dhexeeyo ay sitaan dareeskeeda.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ka dhacayay dilal ku saleysan aanooyin qabiil.
Shabelle