Iyadoo Degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya ay ka jiraan Xaalad Adag oo dhanka Nololshaa ayaa Waxaa Qeylo dhaan diray Maamulka Goolka Bakool.
Gudoomiyaha Gobolka Bakool ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Tool oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dadka ku nool Gobolka ay haysato Xaalada Adag oo iskugu jirta Macaluul iyo Caafimaad daro.
Gudoomiye Tool ayaa sheegay in Degmooyinka ugu daran ay yihiin Xudur iyo Waajid iyo walia sidoo kale Tuulooyin Hoostaga.
Waxaa uu sheegay in Dadka aysan haysan Cunto ay Cunaan iyo sidoo kale Goobo Caafimaad oo la geeyo Dadka Xanuunmsan, waxaana uu Codsaday in Gargaar lagaarsiiyo dadkaasi.
“Bishii Ramadaan ayaa soo dhaw Dadkuna waxaa ay u baahan yihiin Gurmad, Hay’adaha Gargaarka iyo Dowladda Soomaaliya yeysan indhaha ka qarsan waxa ka jira Gobolka Bakool”ayuu yiri Tool.
Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa dhawaan Degmada Xudur iyo Waajid geeysay Gargaar Diyaarado lagu geeyey, kuwaas oo baahida dadku ay qabaan aan dabooli Karin.
Warkii