Madaxweynaha Kenya oo diiday in Alshabaab fuliyeen weerarkii gobolka Xeebta

0
948

UhuroKenyata1Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa diiday in Alshabaab fuliyeen weerardii ay ku dhinteen ilaa 70 qof oo habeenadii Isniinta iyo Talaada ka dhacay magaalada Mpeketoni ee gobolka Xeebta Kenya, kuna dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Alshabaab ayaa si cad u sheegtay mas’uuliyadda labadaas weerar, hase ahaatee madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa falkaas ku eedeeyey kooxo Siyaasiyiin Kenyan ah.

“Waxaa jira cadeymo muujinaya in kooxo siyaayiin gudaha Kenya ah ay qorsheeyeen weerarkii dadka lagu laayey ee ka dhacay magaalada Mpekteni” ayuu yiri madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in siyaasiyin dalka kala qeybinaya ay ka dambeeyeen weerarrada noocaas ah ee lagu doonaya in lagu barakiciyo qowmiyadaha qaar ee dalkan.

Waxaa uu sheegay in baaritaan lagu ogaaday in siyaasiyinin maxali ah ay ka dambeeyeen weerarkaas. Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa ku gacanseyray hadalka madaxweynaha.

Alshabaab ayaa habeenadii Isniinta iyo Talaadada weeraray magaalada Mpeketoni iyo deegaano hoos yimaadda, waxeyna dileen sida booliska Kenya sheegay ilaa 63 ruux, halka Alshabaab sheegteen iney dileen ilaa 70 ruux.

Warkii