Madaxweynaha Oo Xalay Kulan Casho Ah La Qaatay Mudanayaasha Baarlamanka

0
1080

XasanSheekh20140415_6Madax weynaha Jamhuuriyadda Soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xaruunta madaxtooyada ee Vella Soomaliya casho sharaf ugu sameeyay xildhibaannada Barlamanka, waxaana caashadaasi ka qeeyb galay madaxweynaha iyo gudoomiyaha Barlamanka.

Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Aadan Shaacir oo ugu horeyn ka hadlay munasabadda casha sharafta ah ee uu madaxweynaha dalka u sameyay mudanayasha barlamnaka ayaa madax weynnaha kaga mahadceliyay cashada uu usameyay mudanayaasha barlamnka, isaga oo dhinaca kale barlamanka ugu baaqay in meel leeyska dhigo waxyaabaha kala dhantaali karo madaxda dowladda sida uu tilmamay.

Gudoomiyaha Barlamnka mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari oo isna kulanka cashda ah ka hadlay ayaa sheegay in loo bahan yahay in laga wada shaqeeyo nabad galyada dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada ee shacabka Soomaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo gabagabadii munasabadda ka hadlay ayaa barlamnka uga mahad celiyay shaqada ay qaranka u hayaan, isaga oo xildhibaanada ka dalbaday in si wada ah looga wada shaqeeyo danta shacabka Soomaliyeed.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xaaladda dalka uu marayo meel aad u wanagsan isla markaana loo baahanyahay in horay loo sii wado horumarrada kala duwan ee dalka.

Radio Muqdisho