Munaasabadda oo aheyd mid si weyn loosoo agaasimay ayaa ka sokoow Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda,inta ugu badan Xildhibaannada Golaha Shacabka, Duqa magaalada Muqdisho,taliyeyaasha Ciidammada qaarkood,fanaaniin iyo marti sharaf kale oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo munaasabadda khudbad kooban ka jeediyey ayaa tilmaamay in abaal marintii ay dhowaan guddoonsiisay Akadeemiyad ku taala dalka Talyaaniga iyo musharaxnimada Dr Dufle uu u sharaxan yahay biladda ugu qaalisan caalamka ee NOBEL ay tahay guul usoo hooyatay guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isaguna khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa xusay in Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya ay si weyn u taageersan yihiin in XIldhibaan Dr Cusmaan Maxamuud Dufle uu ku guuleysto biladda ugu qaalisan caalamka ee NOBEL oo hada uu sharaxan yahay islamarkaana ay Munaasabadani muujineyso taageeradaasi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gebagebadii khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa xusay in abaal marintii uu dhowaan ku guuleystay Dr Dufle iyo musharaxnimadiisa biladda NOBEL-ka ay tahay guul usoo hoyatay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed isagoo intaasina ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay aad u taageersantahay musharaxnimada uu Dr Dufle u sharaxan yahay biladda NOBEL.
Radio Muqdisho