Madaxweyne Xasan oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub ee Italy

0
908

Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Dowladda Italy Mr. Fabrizio Marcelli islamar-kaana Madaxweynaha soo gaarsiiyey fariin uu ka waday madaxda dalka Italy.

Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. “ aad ayaan ugu faraxsanay in maanta Madaxweynaha Soomaaliya iga aqbalo warqadaha
Aqoonsiga,” Ayuu yiri Safiirku.

Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka oo ay ka mid tahaydib-u-dhiska dalka iyo xasilinta Dalka isaga oo sheegay in ay dib
u bilaabi doonaan maashaariicdii ay ka fulin jireen Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xiriir qoto dheer la la hayd Dowladda Italy, waxuuna safiirka u sheegay inuu dar-dar geliyo xoojinta xiirka labada dalka.

Ugu dambentii Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa yiri “ Waxaan uga mahad-celinayaa dowladda Italy sida ay diyaarka ugu tahay xoojinta xiriirka labada dal oo ay marqaati ka tahay soo magacaabida safiirkan cusub, waxaanna u rajeynayaa in uu dowladda kala shaqeeyo mashaariicda dib-udhiska dalka”

XasanSheekhAndItalianAmbassador2 XasanSheekhAndItalianAmbassador XasanSheekhAndItalianAmbassador3