Madaxweyne Xasan Sheekh. “Dalkeennu anagu ayuu dhismo naga sugayaa, haddaan anagu wax-qabsano ayey Aduunyadu na kaalmeyn kartaa”

0
930

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay Xaruntii hore Maamulka Goboka Banaadir (Ufficio Governo).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Wasiirka Gaashaandhigga, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, masuuliyiin Dowladda ka tirsan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayey mashruuc dib loogu dhisayo xarunta maanta Madaxweynahu uu dhagax-dhigay.

Mashruucaan dib loogu dhisayo Xaruntii Dowladda Hoose ee Muqdisho oo loogu magac daray (Dalkaaga Dhiso) ayaa waxaa ku baxaya ku dhawaad 2-Milyan oo Dollar ah. Lacagta ku baxeysa oo qaarkeed la helay ayaa waxaa bixinaya shirkadaha gaar ah loo lee-yahay ee Soomaaliyeed, Shacabka Soomaaliyeed oo iskood u bixinaya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Federaalka. Maamulkaa Gobolka sheegay inuu furay Bank Account halkaasi oo ay dad Soomaaliyeed ku soo shubayaan lacagaha si xarunta loogu dhiso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada ayaa yiri. “Xaruntan Taariiqdeena ayey ka mid tahay, kuwa qaar waa naga baaba’een laakin kuwa daba qabadka leh oo dib loo habeyn karo waa inaan dayac tiranaa oo aan sidii hore ku soo celinaa. Macquul maaha in taariideenna baaba’do ,”

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay in aan waxqabsano. “Mashruucaan waa mid billow ah xaqiiduna waxay tahay. Dalkeenna anagu ayuu dhismo naga sugayaa, haddaan anagu wax-qabsano ayey Aduunyadu na kaalmeyn kartaa. Waan hubaa haddii dhismaha dhameystirmo in Dadkeenna Soomaaliyeed dhihi doonaan anaga ayaa qalabeneyna maadaama haddaba dhismahiisa ay qeybtoodu ka qaadanayaan”.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan Dal iyo Dibadba waxaan ugu baaqayaa inay ka qeyb qaataan oo ay garab istaagaan mashruucaan loogu magac daray (Dalkaaga Dhiso) wuxuu qeyb ka yahay fekerka ah inaan Dalkeenna dib u dhisano oo aan xoogeyna, xoolaheenna iyo aqoonteena ku bixino, waana feker macno leh”. Ayuu yiri Madaxweynahu.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahad-celiyey maamulka Gobolka Banaadir, Shirkadaha gaar loo leeyahay ee Soomaaliyeed iyo Shacabka Soomaaliyeed iska kaashanaya dhismaha dib loogu habenayo Xaruntii Dowladda Hoose ee Muqdisho.

 

XasanSheekh20140601_7 XasanSheekh20140601_6 XasanSheekh20140601_5 XasanSheekh20140601_4 XasanSheekh20140601_3 XasanSheekh20140601_2 XasanSheekh20140601_1