Madoobe Nuunow oo ka warbixiyay safarkiisii Muqdisho

0
964

MadoobeNuunowMadaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu kulamo wadatashi ah kula yeeshay mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Madoobe Nuunow oo maanta dib ugu noqday magaalada Baydhabo ayaa hadalkan u jeediyay taageerayaashiisa oo soo dhoweeyay.

Wuxuu sheegay in madaxda dowladda iyo mas’uuliyiinta Qaramada Miodoobay uu warbixin ka siiyay siyaasadda maamulkiisa iyo ujeedooyinka uu higsanayo.

Magaalada Muqdisho waxaa dhowaan gaaray madaxda maamullada is-diiddan ee ka dhisan magaalada Baydhabo, kuwasoo wadahadallo gaar gaar ah la yeeshay madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan beesha caalamka.

Bar-kulan