Mid ka mid ah Maleeshiyooyinkii ku dagaallamayey gobolka Shabeellaha hoose ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta Magaalada Marka ee xarunta gobolkaas.
Goob-joogayaal ku sugan magaalada Marka ayaa radio Bar-kulan u sheegay kadib dagaal muddo kooban ka dhacay duleedka Magaalada Marka in magaalada ay soo galeen Maleeshiyaad aan ahayn kuwii horey u joogay oo ku hubeysan gaadiid dagaal.
Maleeshiyaadkii horey ugu sugnaa magaalada Marka ayaa la sheegay inay ka baxeen.
Goob-joogayaasha ayaa tilmaamay inay jirto cabsi ay dadku ka qabaan in lagu dul dagaallamo, iyagoo intaas ku daray inay jiraan dad billaabay inay ka barakacaan magaalada.
Dowladda federaalka iyo golaha culimada Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka dhacaya gobolka Shabeellaha hoose.
Bar-kulan