Dowladda Mareykanka iyo taliska ciidamada AMISOM ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa digniino culus ka soo saaray weeraro ku soo fool leh magaalada Muqdisho, waxayna dalbadeen in si degdeg ah looga hortago weeraro ka dhaca Muqdisho inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta kow ah.
Warar ay siyaabo kala duwan u soo saareen AMISOM iyo Mareykanka ayaa looga digay weeraro argagaxiso oo ay Al-shabaab ka geysato magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujintaan inta lagu jiro Ramadaanka.
Mareykanka iyo AMISOM ayaa qoraalkooda ku sheegay inay hambalyo u dirayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta, taas oo ku aadan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna sheegeen in dowladda looga baahanyahay xoojinta amaanka goobaha lagu cibaadeysto iyo meelaha la isugu yimaado.
Dingiintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Al-shabaab ay sheegeen inay sare u qaadayaan weerarada ay ku hayaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan, iyagoo shacabka uga digay inay u dhawaadaan meel walba oo ay degen yihiin dowladda iyo AMISOM.
Booliiska Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay inay ka hortagayaan weeraro walba oo kaga yimaada dhinaca Al-shabaab, iyadoo afhayeenka booliiska uu ku sheegay war uu saxaafadda siiyay inay ciidammo badan oo amniga suga la keenay Muqdisho.
Warkii