Mareykanka oo walaac ka muujiyay Al-Shabaab

0
1228

AlshabaabSafaarada Mareykanka ee magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa ku boorisay muwadiniinteeda ku sugan iyo kuwa u soo safraya dalkaasi in ay taxadar ay muujiyaan,kadib markii ay soo baxday digniin ku aadan weerar suurta gal ah in ay Al-shabaab ay ku qaadan dalkaasi.

La talinta qeybta nabad galyada u qaabilsan safarada ayaa sheegtay in safaarada ay ka warheeyso hanjaabadaha Al-shabaab ee ka dhanka ah dowlada Ethiopia iyo sidoo kale xarumaha reer galbeedka dalkaasi ay ku leeyihiin.

Hanjabadahaasi oo isdaba jog noqday ayaa safarada waxa ay sheegtay in loo qaadan karo mid dhab ah waxana ay muwadininteeda u sheegtay in ay qaadan talaabooyin ay ku xaqijinayaan amaanka iyo nabad galyadooda.

War ay soo saartay safarada oo ay heshay jariidada Sudan Tribune ayaa lagu sheegay in safaarada ay ogtahay weerar ay Al-shabaab qorsheenayaan in ay ka fuliyaan gudaha dalka Ethipioa.

Safarada ayaa soo daliil sanaysa tiro weeraro ah oo Al-shabaab todobaadyadii ugu dambeeyey ay ku qaaday xadka ay la wadaagto Somalia.

Safarada goobaha la beegsan karo ay muwadiniinteeda uga digtay waxaa kamid ah goobaha dadka badan ay iskugfu yimaadan,sida maqaaxooyinka,hoteelada ,goobaha lagu cibaadeysto iyo xarumaha loo dukaamaysi tago balse safarada ayaa ka gaabsatay waqtiga iyo goobta ay Al-shabaab damacsan tahay in ay weerarto.

Ethiopia ayaa waxa ay tahay dowlad xulufu weyn la ah Mareykanka oo ciidamo ay uga sugan yihiin dalka Somalia kuwaasi la dagaalamaya dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

skynewsfm.com