Marka: Nin loo qabtay qarax ka dhacay Magaaladaasi

0
1066

MarkaWararka naga soo gaarayo Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya In lagu qabtay Magaaladaasi Nin la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay qarax ka dhacay Magaaladaasi.

Qaraxa oo ahaa Bambaanada nuuca gacanta laga tuuro ayaa Magaalada Marka waxaa lagula eegtay Ciidamada Birmadka Booliska inkastoo aanu jirin wax khasaara ah ee ka dhashay.

Sida Goob Joogayaal ay Shabelle u sheegeen qaraxani ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Awbaale ee Magaaladaasi Marka.

Shabelle