Hogaamiyaha Mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga oo shalay booqasho ku tagay Xaafada ay Soomaalidu degto ee Islii ee Magaalada Nairobi , halkaasna kula hadlay Kumaanan Soomaali ah ayaa waxaa ugu baaqay dowlada Kenya in Ciidamadeeda ay ka la soo baxdo dalka Soomaaliya.
Raila Odinga ayaa sheegay inta Ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin Soomaaliya uu wadanka Kenya uu wajahayo Qatar dhanka amaanka ah , isagoo sheegay laga bilaabo xilgan loo dulqaadan Karin amaandrida Kenya ka jirta iyo dadka Kenyaanka ah ee dhimanaya kuna dhimanaya weerarada argagaxiso ee Kenya ka dhaca .
Hogaamiyaha Mucaaradka Odinga ayaa ku booriyay Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta in uu qaado talaabooyin lagu xaqiijinayo amaanka Kenya iyo dhaqaalaha wadanka Kenya oo saamayn xoogan ay ku yeelatay dalxiisayaasha ka cararaya dalka Kenya kadib amaandarida Kenya ku soo cusboonaatay.
Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa horay u canbaareyay howlgaladii raafka ah ee lagu baacsanayay Soomaalida ku sugan dalka Kenya oo qaar badan oo ka mid ah Xadgudubyo banii’aadanimada ka baxsan loo gaystay sida hay’addaha u dooda Xuuqul aadanaha ay horay u xaqiijiyeen.
Dalka Kenya ayaa ciidamdiisa u soo diray Soomaaliya sanadkii 2011 xiligaasi oo afduubyo kala duwan ay ka dhaceen dalka Kenya kuwasi oo dowlada Kenya ay ku eedaysay Xarakada Shabaab wallow Shabaab ay beenisay.
Shabelle