Mudane Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare C/wali oo Isku Afgartay Markab Dagaal Dushiisa iyo Arimo La’isku Haye…

0
1019

XasanSheekhAtTurkishNavy20140605_4Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed MAxamed, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa markab ay leeyihiin Ciidamada Badda Dalka Turkiga oo Ku Soo Xirtay Dekeda Muqdisho kula Kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada badda ee dalkaasi iyagoo ku soo dhaweeyay dekeda Muqdisho, iyadoo maraakiibtaasi tiro ahaan ay ahaayeen 4 markab.

Warar hoose oo ay Warkii Online heshay ayaa Sheegaya in Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay ku Hishiiyeen Markab Dushiisa kadib markii ay wada hadleen isla markaana ay isku Afgarteen Waxyaabihii Qailaafka Keenay.

Wararka ayaa Intaa waxa ay ku darayaan in labada Mas’uul markii ay imanaayeen markabka Dushiisa ay wada socdeen isla markaana wajiyadooda aan laga dareemen in uu khilaaf ka dhexeyo iyadoona labadooda ay aad ugu farxasaneeyen in ay goob kuwada kulmaan.

Arintaan ayaa soo Afjaysa Khilaaf Soo Jiitamayo Mudo Asbuucyaha kaasoo ka dhashay isku shaadhen la filaye in lagu sameyo Golaha Wasiirada Xukumada Soomaaliya.

Warkii