Muungaab Oo Booqday Xarumo Ku Yaala Magaalada Istambuul

0
913

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga ayaa booqday xarumo kala duwan isagoo la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Turkiga.

Mudane Muungaab iyo xubnaha ka tirsan Maamulkiisa ee safarka ku wehliya ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Hoose ee Magaalada Istanbuul , waxa ayna ka wada hadleen labada dhinac xariirka labada magaalo iyo sidii loo sii horumarin lahaa mataaneynta labada magaalo.

Muungaab ayaa sidoo kale booqday Xarumo ay Dowlada Hoose leedahay oo ku yaala Magaalada Istanbuul , isagoo kormeer ku tagay Xarumaha kambaniyo ka shaqeeya nadaafada iyo dib u warshadeynta qashinka.

Mudane Muungaab ayaa dalka Turkiga u jooga xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo istanbuul.

Radio Muqdisho

MuungaabInTurkey20140604_2 MuungaabInTurkey20140604_1