Dowladda Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay una taageerey Maamulka Sedexda Gobol ee heshiiskiisa dhawaan lagu gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, uu sheegay Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, isagoo sheegay in Puntland iyo Jubbaland ay waafaqsan yihiin Nidaamka Federaaliga ee Soomaali ay ku heshiisay.
Wasiirka ayaa sheegay in Kulan ay wada yeesheen Wafdiga Puntland ee Kismaayo ku sugan iyo Madaxda Maamulka Jubbaland ay si weyn u soo dhaweynayaan maamulka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, isagoo sheegay in Maamulkaasi uu noqon doono mid istaraatiiji ah, oo leh Bad, Dhul beereed iyo Wabi, islamarkaasina Magaalada Marka ay xarun u noqonayso Maadaama Dekad ay lee dahay.
“si wadajir ah ayaan u taageernay Maamulkii Sedexda Gobol ee dhawaan Xamar lagaga dhawaaqay oo ah Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool, maadaama ka Puntland ahaan aynu waligeen aaminsanayn in Soomaalidu ay Federaal iskugu imaanayso sida keenaas Puntland, Maamulka Jubba iyo kaas Sedex Gobol ee hadda lagu heshiiyey” ayuu yiri Wasiir Ismaaciil Maxamed Warsame.
Waxaa uu intaas ku daray in Soo dhaweyntooda ka sokoow Gadood weyn uu ka jiro Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya oo laga diidan yahay Maamulkaan Sedexda Gobol” Anagu waa soo dhaweynay laakiin waxaa jira Gadood weyn oo Magaalada Muqdisho, Gobolada dhexe iyo dadka Agagaarkaas dega ay ka muujiyeen maamulkaan, mana ahan haddii dadkaasi ay wax ka dagaan Goboladaas wax bay ka heli karaan, Doorashada ayay ku soo bixin karaan, macnaha in Soomaalidu Federaaliisim-kaasi iskugu timaado weeyeen Mabaa’diida aan ku shaqeynayo”ayuu yiri.
Ugu dambayntii Wasiirka ayaa bogaadiyey Maamulka Sedexda Gobol, waxaana uu sheegay in Dowladda Puntland oo ah Hooyada Federaalka Soomaaliya ay mar walba u taagan tahay sidii guud ahaan dhulka Soomaaliya looga hirgalin lahaa Nidaamka Federaalka ee la aaminsan yahay in Soomaaliweyn ay ku midoobi karto mar labaad, maadaama la kala tagay oo Bur bur 22 sano ah lasoo maray.
Allpuntland