Cabdi Xakiin C/llaahi Cumar Cameey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo Saxaafadda la hadlayay ayaa ka digay weerar Al Shabaab ay ka geystaan deegaanada Maamulkaasi.
Mr Cameey ayaa ku nuux nuuxsaday in Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro caqabad iyo dhibaato ku keeni kara Puntland sidaa daraadeed loo baahan yahay in laga hortago.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka dalbaday Ciidamada ammaanka In feejignaan dheeri ah ay muujiyaan isagoo dhinaca kale shacabka Puntland ugu baaqay in ay ka saacidaan Ciidamada ammaanka ka hortagga qatarta Al Shabaab.
Hadalka Madaxda Maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli ay fooda nagu soo heyso bisha Barakeysan ee Ramadaan oo Al Shabaab weeraradooda ay sii kordhiyaan.
Shabelle