Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Welli Maxamed Cali gaas oo maalintii shalay Masiibo qaran ku tilmaamay kaluumeysiga Sharci darada ee xeebaha Dalkeena Soomaaliya ayaa dalbaday in arintaasi lagu taageero.
Madaxweynaha ayaa sheegay inay ka warhayaan dadweyne Soomaaliyeed oo ka jilaabta xeebaha deegaanada Puntland, isagoo amray in dadkaasi lasoo qabto lana marsiiyo sharcida, sida uu sheegay madaxweyne Gaas.
Wuxuu sidoo kale cadeeyay inay jiraan maraakiib Shishiiye oo magaca Soomaaliya kaga kaluumeysana si sharci daro ah xeebaha dalkeena Soomaaliya, wuxuuna caalamka ka dalbaday in arintaasi lagu gacan siiyo sidii loo dabar goyn lahaa.
Xeebaha dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan maraakiib iyo ciidamo ka socda dalal kala duwan kuwaasi oo sheegay inay la dagaalamayaan burcad badeeda Soomaalida, laakiin lagu eedeeyo inay guranayaan qeyraadka dalkeena.
Hadalkaan ayuu ka jeeday maalintii shalay kadib markii saxaafada uu kula hadlay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaasi oo uu gaaray maalmo ka hor.
Warkii