Qaramada Midoobay ayaa dalbatay gurmad dhaqaale oo degdeg ah si wax looga qabto xaalad bini’aadannimo oo ka jira Soomaaliya.
Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada, Valerie Amos ayaa sheegtay in loo baahan yahay saddexda bilood ee soo socota ugu yaraan $60 milyan si wax looga qabto nafaqo-darro, cunto-yari iyo caafimaad la’aan ka jirta Soomaaliya.
Valerie Amos ayaa tilmaantay in 50,000 oo carruur Soomaali ah oo ay da’doodu ka yar tahay 5 jir ay qarka u saran yihiin inay u dhintaan macluul iyo cunto yari ku baahaysa Soomaaliya.
Waxay xustay inay jiraan 850 kun oo qof oo Soomaali ah oo u baahan gurmad degdeg ah oo lagu badbaadiyo iyo 2 milyan oo kale oo qarka u saaran inay saamayso cunto yaraanta.
Valerie Amos waxay sheegtay in howlgallada milatari ee ka socda Soomaaliya ay keeneen guulo dhinacyada siyaasadda iyo nabadgalyada ah oo ay gaartay dowladda Soomaaliya, hase yeeshee ay sii adkeeyeen xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.
Haweeneyda ayaa waxaa kaloo ay sheegtay in ay Al-Shabaab goysay waddooyin sahayda loo marin lahaa dadka dhibaataysan, gaar ahaanna deegaannada dhowaan lagala wareegay gacan ku hayntooda.
Bar-kulan