Qarax lagu weeraray Saldhig Boolis oo ku yaala Waqooyga Gaalkacyo

0
1085

GaalkacyoWararka laga helayo Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay Xalay Qarax Bombaano ah ku weerareen Saldhiga Xaafada Garsoor ee Ciidamada BooliskaMaamulka Puntland.

Qaraxan Bambaanada ayaa la sheegay in uu khasaaro kala duwan u geystay Ciidamada Maamulka Puntland oo gacanta ku haya Saldhiga Xaafada Garsoor ee Waqooyga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qaraxa kadib ayaa Ciidamada Maamulka Puntland waxey howlgallo ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo Iyadoona la sheegay in ay ku soo qab qabteen dhalinyaro qaarkood lagu tuhmay Weerarka Bamka ahaa.

Ilaa iyo hada majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalgacyo kuwaa oo lagu weeraray Qaraxa.

Shabelle