R.W hore ee Soomaaliya Dr. Saacid oo saaka diyaarad khaas ah Muqdisho ka qaaday

0
829

Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo kusii jeeda magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kaddib muddo ka badan 5 bilood oo uu ku sugnaa Muqdisho markii uu xilka ka dagay, waxaana garoonka Muqdisho ka qaaday diyaarad khaas ah oo dowladda Imaaraadku usoo dirtay.

Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya qaar kamid ah xubnaha golihii Wasiirada Xukuumaddii uu hoggaaminayey, Safiirka dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, ayaa kusii sagootiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku sugnaa Muqdisho tan iyo markii uu xafiiska baneeyey horraantii sanadkan waana masuulkii ugu horreeyey ee dalka ku nagaada markii uu xilka ka dagay.

Mudane Saacid ayaa sheegay inuu dhawaan dalka dib ugu soo laaban doono, isagoo u rajeeyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed Nabad iyo barwaaqo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xilka iskaga dagay kaddib markii Baarlamaanka Soomaaliya ay kala laabtaan kalsoonida Xukuumaddiisii.

Saacid20140624_3 Saacid20140624_2 Saacid20140624_1 Saacid20140624_4