Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo ku laabtay Muqdisho

0
816

Abdiweli20140610_1Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wefdi uu hoggaamanayo ayaa maanta dalka dib ugu laabtay, kaddib howlo shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Kenya.

Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay la kulmeen madaxda dalka Kenya iyo hay’daha u dooda arrimaha qaxootiga iyo bini’aadannimada, ayna kala hadleen dhowrista xuquuqda qaxootiga Soomaalida iyo sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Wuxuu sheegay in ay booqasho ku tageen xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-Bari Kenya, kana codsadeen madaxda dowladda Kenya inaan khasab lagu soo celin qaxootiga Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in Kenya ay aqbashay codsiga ah in aan si xoog ah loo adeegsan dib u celinta qaxootiga Soomaalida.

Radio Muqdisho