Ra’isul wasaaraha Turkiga oo la kulmaya qurbajoogta Soomaalida ee ku shirsan dalkiisa

0
834

Istanbul20130707Wararka ka imaanaya dalka turkiga ayaa sheegaya in Ra’isulwasaaraha Turkiga Rajab Tayib Ordagan lagau wado in uu maanta kula kulmo xarunta dalkiisa 12 xubnood oo matalaya qurba-joogta Soomaaliyeed oo ka qeybgalaya shirweynaha qurba-joogta Soomaaliyeed oo ka soconaya Istanbul kaas oo shalay si rasmi ah uga furmay halkaasi.

Lama faah faahin waxyaabaha uu Ra’isulwasaaraha Turkigu kala hadlayo xubnaha la sheegay inuu qaabilayo,waxaase la sheegay inuu doonayo inuu ku dhiirigeliyo in ay dalkooda maalgashadaan,islamarkaasna uu turkigu soomaalida ka gacan siinayo sidii ay soomaalidu dalkeeda dib ugu dhisan laheyd.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Kamaaluddiin Kani Toren oo shirka qurbajoogta ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya aysan xilligan u baahnayn kaalmooyin bani’aadanimo oo la siiyo, balse ay u baahan tahay inay waxyaabo waaweyn lagu caawiyo sida ganacsiga oo kale, si dalku horumar u gaaro.

Dhinaca kale waxaa shalay ku kulmay Magaalada Stanbul ee dalka turkiga Wasiirka Arrimaha Dibadda soomaaliya C/raxamaan ducaale Bayle iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka turkiga Dr. Axmed daa,uud waxayna kawada hadleen xiriirka labada dal ka dhaxeeya, iskaashiga iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, Gobolka Bariga Afrika iyo isbedalada ka soconaya Bariga Dhexe.

Warkii