Shabaab ah ayaan duqayn ku dilnay

0
904

DroneAttachWar qoraal ah oo ka soo baxay howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in Diyaaradaha dagaalka ee Kenya duqaymo ay ka fuliyeen Degaanadda Canoole iyo kuday ee Gobalka Jubada hoose lagu dilay in ka badan 80 Dagaalyahano oo Xarakada Shabaab ee Soomaaliya ka tirsan.

Degaanka Canoole duqayn ay Diyaaradaha AMISOM ka fuliyeen waxaa ku dhintay 30 Dagaalyahano oo Shabaab ka tirsan waxaana lagu burburiyay halkaasi 4 baabuur oo ay ka buuxeen Hub, halka duqaynta degaanka Kuday laga fuliyay iyana ay ku dhinteen 50 kale waxaana aaminsanahay in Dagaalyahada Shabaab ee dhintay ay intaasi ka badan yihiin ayaa lagu yiri Bayaaanka AMISOM ka soo baxay.

“ Amisom waxa ay fulisay Duqayn dhanka Cirka ah waxa ay arintaan qayb ka tahay dadaalada lagu doonayo in lagu ciribtiro AL-Shabaab waana sii wadi donaan Weerarada dhanka cirka ah ” ayaa lagu yiri bayaanka AMISOM ay soo saartay.

Ergayga Midooga Africa ee Soomaaliya Maxamad saalax annadif ahna Madaxa ugu sareeya Howlgalka AMISOM ayaa si wayn u amanay duqaymaha guulaysatay ee Diyaarada dagaalka Kenya ay ka fuliyeen Juba hoose ee lala eegtay Fadhisamo ay Dagaalyahanada Shabaab ku lahayeen degaanadaasi laguna laayay in ka badan 80 dagaalyahano ee Al-Shabaabka Soomaaliya ka tirsan sida AMISOM ay sheegatay .

Ilaa iyo haatan ma jiro wax War ah oo ka soo baxay AL-Shabaab oo ku aadan sheegashada AMISOM ay sheegatay in ku dhawaad 100 dagaalyahano oo Shabaab ah ay duqayn ku dishay.

Shabelle