Siilaanyo oo hambalyo ku aadan bisha Ramadan u diray shacabka Somaliland

0
845

SiilaanyoInJigjiga20131208_2Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hambalyo ku aadan bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan u diray shacabka maamulkiisa.

Siilaanyo ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay inay ka faa’ideystaan kheyraadka bisha barakeysan ee Ramadan, isagoo Alle uga baryay in uu waafajiyo kheyrka bisha.

Dhinaca kale wasiirka diinta iyo awqaafta maamulka Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed ayaa isna hambalyo ku aadan bisha barakaysan ee Ramadaan u diray shacabka Somaliland.

Wuxuu tilmaamay in bishan ay tahay bil khereysan, loona baahanyahay in laga faa’iidaysto.

Bar-kulan