Soomaalida Kenya oo bilbaabay in ganacsigoodii Islii ay wadamada dariska u weeciyaan

0
866

NairobiQaar ka mid ah Soomaalida Maalgashatay dalka Kenya ayaa xilgan bilaabay in Lacagahoodii oo gaaraya Mallayiin dollar ay kala baxaan Bankiyadda dalka Kenya iyadoo sheegay in ganacsigooda ay u weecin donaan wadamada Uganda, Ruwanda, iyo wadamada kale geeska Africa ku yaala .

Ganacsatadda qaar ayaa arintaan ku micneeyay samaynta uu ku yeeshay howlgalka USLAMA WATCH ee Ciidamada Boliiska Kenya ay ka fulinayeen Xaafada ay Soomaalidu degto ee Islii, arintaas oo saamayn xoogan ku yeelatay Ganacsigooda iyo hantidoodaba intaba.

Mid ka mid ganacsatadda Soomaalida ah oo lagu Magacaabo Xasan Aar ayaa Warbaahinta u sheegay in wadamada dariska la ah Kenya ay ka heleen dhul maalgashiga ku haboon ayna ganacisgooda u weecinayaan xiligani wadamada gobalka ku yaala.

Mid mid ah Shaqaalaha Bankiyadda Kenya oo diiday in Magaciisa Warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in maalin kasta lacag uu ku qiyaasay 260 Million lagala baxo laanta uu Bankiga uu isaga ka shaqeeyo ku leeyahay Xaafada Islii ee Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhanka kale mid kamid ah isna Ganacsatadda Soomaalida ee xaafada Islii ayaa sheegay in markii hore guriga leh laba sariir oo kaliya lagu ijaaranjiray Sh30,000 ilaa inta u dhaxaysa Sh32,000, oo lacagta Kenya ah maantana uu marayo Sh12,000 oo kaliya hoos u dhacaasana ay sababtay amaanka xumida Kenya iyo howlgalka Ciidamada Boliiska ay ka wadaan xaafada Islii ee Nairobi.

Ciidamada Boliiska Kenya ayaa bilaabay bishi April ee sanadkan howlgallo lagu baacsanayo dadka Soomaalida kuwaada AL-Shabab lagu tuhmo iyo kuwaada Sharci darada ku jooga dalka Kenya wallow ay Hay’addaha u dood Xuququl insaanka ay shegeen in holwgalka USALAMA WATCH uu samaayn ku yeeshay dhamaan Soomaalida ku nool dalka Kenya.

Shabelle