Wadaad caan ahaa oo lagu Dilay Magaalada Mombasa

0
1161

TargetingAssasinationWararka laga helayo Magaalo Xebeedka Mombassa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Dablay hubaysan oo aan la garanayn ay madaxii ururka Imaamyada Kenya ku dileen magaalada Mombasa.

Wadadka la dilaya aya waxaa lagu magacaaba Sheekh Maxamad Idiris ayaa lagu dilay xaafadda Likoni, meel u dhaw gurigiisa xilli uu u socday Masaajid aan sidasi uga fogayn gurigiisa sida dadka deegaanka ay Warfidiyeenada u sheegeen.

Sheekh Maxamad ayaa la sheegay inuu ka soo horjeeday “afkaarta fog” ee la sheegay in ay dhawanihii danbaba ay ku soo badanaysay dhallinyarada Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ku nool.

Dhowr toddobaad ka hor, waxaa magaalada lagu dilay Sheekh Abubakar Sharif Axmed oo la yeqaanay Makaburi, oo la sheegay inuu taageersanaa Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Sheekh Sheekh Maxamad Idiris oo lafilayo in lagu aaso maanta magaalada Mombassa ayaa waxaa aaskiisa ka soo qayb gali doona Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga sida uu bartiisa twiteerka ku sheegay.

Magaalada Mombassa ayaa noqotay mel lagu laayo Culamada iyadoo dilka wadaadkan ugu danbeeyay ee Mombassa lagu dilay ay ka dhigaysto tirade wadaada lagu dilay gudaha Mombassa ilaa iyo 4 wadaad, lama oga cid bartilmaameedsata wadada dimeedyadda Magalada Mombassa, wallow ay jiraan tuhuno dadka Muslimiinta ee Magaaladaasi ay ka qabaan Ciidamada Boliiska dalka Kenya.