Wararka laga helaayo Saakay gobalka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada deegaanadii dhawaan ay dagaalada ka dhaceen ay degan tahay isla markaana ma jirin dagaalo halkaas ka dhacay saacadihii ugu danbeeyay.
Dadkii kasoo barakacay deegaanadaas qaarkood ayaa waxa ay soo gaareen duleedka magaalada Muqdisho iyaga oo kasoo cararay dagaal beeleedka ka soconaayo gobalka Sh/Hoose.
Gudoomiyaha degmada Marka iyo kan degmada N0.50 ayaa la sheegay in ay isku dhiibeen ciidamada AMISOM ka dib markii laga qabsaday deegaanadii ay ka talinayeen.
Isku socodka gaadiidka Ganacsiga ayaa wali xaniban waxaana saameyn ku yeelatay dagaalada beeleedyada halkaas ka soconaya iyadoo wali aysan jirin cid dhex gashay.
Wasiiro ka tirsan DF Somalia ayaa maanta ku wajahan gobalka Sh/Hoose si ay u dhaxgalaan qabiilada ku dagaalamaya Sh/Hoose kuwaas oo maalmo dagaalamayay.
Illaa iyo hadda xaalad cabsi ah ayaa ka taagan Gobalkas iyadoo saacad kasta ay dhici karaan dagaalo maadaama aysan jirin cid dhaxgashay maleeshiyo beeleedyadaan wada dagaalamaayo.
Warkii