Kulankan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada beeraha ee xukuumada soomaaliya ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshaha hindise hawleedka ay ku shaqeyn doonto wasaaradani sanadaha 2014-2016,waxaana kulankan si wada jir ah uga soo qayb galay wasiirka beeraha ee xukuumada soomaaliya Cabdi Axmed Baafo iyo xubno kale oo ka tirsan wasaarada, safiirka soomalaiya u fadhiya dalkani Kenya Amb.Maxamed Cali Nuur (Americo), Khuburo ka socotay Hay’ada Cuntada iyo beeraha ee FAO, xubno matalayey beeralayda soomaalida iyo qaar kamida ha’yadaha deeq bixiyeyaasha ah.
Waxaana ahmiyada kulankan uga warbixiyey warbaahinta wasiirka wasaarada beeraha ee xukuumada soomaaliya Mudane Cabdi Axmed Baafo isagoo sheegay in ay doonayaan in ay wasaaradu ku shaqayso qorshe hawleedkan ay ku wada qanacsan yihiin wasaarada, beeralayda soomaalida iyo hay’adaha deeqbixiye yaashu.
Dhanka kale waxaa iyaguna sharaxaad ka bixiyey faa’idooyinka uu leeyahay in la dajiyo hindisahani, khuburo ka socotay ha’yada Cuntada iyo beeraha aduunka ee FAO oo ka qayb galka kulankan uga yimid wadamo ay kamid ahaayeen Qadar,Suudaan iyo Yeman, iyagoo sheegay inuu wax badan ka tari doono hindisahan ay soo bandhigtay wasaaradu inay beesha caalamku ku dhiirato maalgashiga dhul beereedka Soomaaliya.
kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubno matalayey Ha’ydaha deeq bixiyeyaasha ah iyo beeralayda soomaalida waxaana dhamaan kasoo qeyb galayaasha kulankan ay soo dhaweeyeen qorshaha hindise hawleedka sanadaha 2014-2016 oo ay soo bandhigtay wasaarada beeraha ee xukuumada soomaaliya.
Radio Muqdisho