Wasiir Ku Xigeenka Gaashaandhigga Oo Sheegay In La Xalliyay Colaaddi U Dhaxeeysay Beelo Ku Dagaalamay G/Gedo

0
1209

baydhabo3Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga ee xukuumdda Soomaaliya ayaa sheegay in lagu guuleeystay xallinta shaqaaqooyin ka dhacay gobolka Gado, isagoo intaa ku daray in la qabandoono kulan lagu dhameeystirayo xalka laga gaaray arintaasi.

Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen gobolka Gedo halkaas oo ay ka wadeen dadaallo ay ku dhex dhexaadinayeen beelo halkaasi ku dagaalamay, isagoo xusay iney ku guuleysteen wadahadallada wuxuuna rajo ka muujiyay in inta dhimana ay dhawaan dhameystiri doonaan.

“Waxaa anaga naga sii horeeyay odayaal dhaqameedyo iyo maamullada gobolka iyo mas’uuliyiin kale, markii an tagnayna anagoo ah wafdi ka socday dowlada dhexe shirkii ayaan qeyb ka noqonay si wanaagsan ayaana loo wada hadlay la isuguna laab xaaray” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga C/lla Xuseen Cali.

Wasiir ku xigeenka ayaa ku dhawaaqay in colaadaasi la xaliyay iyadoo dadkuna is cafiyeen kadib markii la isku afgartay waxyaabihii dhaliyay colaadda.

 

Radio Muqdisho