Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Beijing kaga qeybgalaya shirka Iskaashiga Carabta iyo China

0
915

Beileh20140601_7Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin lataliyeyaal ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta u ambabaxay caasimadda Beijing ee dalka China , halkaasi oo lagu wado inuu ka furmo kulanka 6-aad ee Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada carabta iyo China oo looga doodi doono arrimo labada dhinac dan u ah.

Kulankani ayaa ka furmi doona si rasmi ah caasimadda China 5-ta bisha June, waxaana looga hadli doonaa xoojinta xiriirka wanaagsan ee dunida carbeed iyo China u dhaxeeya iyo dejinta istiraatiijiyad ay wax ku wadaagi karaan labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho kahor inta aanu maanta ka ambabixin halkaasi ayaa waxa uu sheegay in mudada uu ku sugan yahay Magaalada Beijing uu la yeelan doono kulamo gaar gaar ah qaar ka mid ah Wasiirada Arrimaha dibadda ee lagu martiqaaday ka qeybgalka kulankaasi , waxa uuna yiri “ Soomaaliya waa dal hodan ah oo leh kheyraad dihan oo dhex ceegaaga badaha iyo bariga , sidaas awgeed dunidu waxaa ay xilligan eeganeysaa dalkeena ,sida caalamku u daneynayo dalkeena ayey dowladda China u aragtaa dhul ku haboon maalgeshiga iyo dalxiiska”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa sidoo kale kaga qeybgali doona 10-ka bishan June Magaalada Athens ee caasimadda wadanka Greece kulan ay iskugu imaanayaan wadamada Midowga yurub iyo Carabta , kaasoo looga hadli doono arrimaha siyaasadda, ammaanka , ganacsiga iyo maalgeshiga.