Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo u warramayay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in aanu la socon aqoonsi dowladda Soomaaliya ay siisay Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ee Seddexda Gobol.
Mudane Goodax ayaa sheegay in qof kasta meeshii uu ka gaaro haddii ha ka qabto ay noqoto wax badan ay hallaabayaan howshaasi aqoonsi Maamul iyo heshiis Maamul dalka ahna ay leedahay Wasaaraddiisa Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo shalay Munaasabad uu Goob Joog ahaa Madaxweynaha lagu shaaciyay aqoonsi ay dowladdu siisay Maamulka Seddexda Gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Shabelle