Wasiirka Beeraha oo Nairobi kula kulmey hey’ado caalimi ah iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed

0
1161

Wasiirka Beeraha mudane Cabdi Baafo oo safar shaqo ah ku jooga Nairobi ayaa la kulmey madax ka socota Jaamacada Mennesota, iyo hey’adaha kala ah AGRA iyo SATG.

Madaxda uu wasiirka la kulmey waxaa ka mid ahaa Prof. Paul Porter oo ka socdey Jaamacada Mennesota, Dr. Xuseen Xaaji oo ka  socdey SATG iyo Dr. Richard Jones oo ka socdey AGRA.

Wasiirka iyo hey’adaha uu la kulmey waxey ka wada hadleen sidii wasaarada beeraha iyo heyadaha ay u wada shaqeyn lahaayeen, gacanna ay ugu geysan lahaayeen horumarint iyo kobcinta wax soo saarka beeraha Soomaaliya.  

Dhinaca kale wasiirka ayaa la kulmey waxgrad iyo aqoonyanano Somaaliyeed oo halkaasi ay isku dhaafsadeen fikrado iyo talooyin guud.  Wasiirka ayaa aqoonyahana ugu warbixiyey una dulmarey waxqabadka wasaaradiisa mudadii gaabneyd uu xilka wasaarada hayey.  Wuxuuna sheegey in wasaaradiisa ay qabatey howlo fara badan oo ka mid ah:

1. Xarunta wasaarada beeraha oo dib loo furey lagana saarey dadkii shacabka oo deganaa mudadii 24ta sano ee la soo
dhaafey.

2. Jowhar: In wasaaradu ay gacan ka geysatey xirida meelihii ka furantey webiga shabelle oo fatahaada sababey, una geystey
dhibaatooyin fara badan dadkii meelahaasi deganaa.

3. Wasaaradu waxey taakuleesey beeraleyda yar yar ayadoo ay u qeybisey abuur, bacrin (fertilizers), iyo sidoo kale u
sameesey caro gedin dhulkooda.

4. Waxey tashiilaat u sameesey hey’adda FruitSom, gacanna ka geysatey dhoofinta muuska loo dhoofiyey wadamada Khaliijka.

5. Wasaaradu waxey diyaarisey Strategic Planning, oo mudnaanta kuuwaad la siin doono: a) Waxii la xiiira waraabinta b) Wax
soo saarka beeraha iyo c) Kobcinta aqoonta shaqaalaha iyo wax soo saarkooda.

6. Tiro koob laga sameenaayo hantida wasaarada beeraha.

7. keydint xogta dhamaan dadka iyo hay’adaha ka shaqeeya howlaha beeraha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii aqoonyahanada ka qeyb galey shirkan ayaa su’aalo qeymo badan weydiiyey wasiirka, asagana si habsami ah ugu jawaabey.

Abdibaafo20140602_14 Abdibaafo20140602_13 Abdibaafo20140602_12 Abdibaafo20140602_11 Abdibaafo20140602_10 Abdibaafo20140602_9 Abdibaafo20140602_8 Abdibaafo20140602_7 Abdibaafo20140602_6 Abdibaafo20140602_5 Abdibaafo20140602_4 Abdibaafo20140602_3 Abdibaafo20140602_2 Abdibaafo20140602_1