Wasiirka beeraha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Axmed Baafo ayaa shaaca ka qaaday in wasaaraddiisu ay goor dhow qaban doonto shir weyn looga hadlayo dhoofinta iyo suuq-geyta kheyraadka dalka Soomaaliya.
Wasiirka, oo wareysi gaar ah maanta siiyey Radio Bar-kulan, ayaa sheegay in shirkaas ay ka qayb geli doonaan dadka daneeya dhoofinta wax soo saarka beeraha Soomaaliya iyo inta kale ee daneysa suuq geynta miraha iyo dalagyada kala duwan ee ka soo go’a beeraha.
Cabdi Axmed Baafo ayaa intaas ku daray in uu ku rajo weyn yahay in shirkaas ay ka soo bixi doonaan talooyin wanaagsan, isaga oo xusay in wasaaraddiisu ay kaalinteeda ka qaadan doonto.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda beeraha iyo guud ahaan xukuumaddu ay doonayso in si weyn loo maalgeliyo kanaallada waraabka beeraha, si loo xoojiyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, iyada oo lala kaashanayo ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga.
Wasiirka beeraha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Axmed Baafo ayaa xusay in howlahaas oo dhan ay xukuumaddu doonayso in la hirgaliyo iyadoo xog ururin lagu samaynayo qorsheyaasha kala duwan ee hay’adaha ka howlgala gudaha dalka.
Cabdi Axmed Baafo, waxa kale oo uu sheegay in wasaaradda diyaarisay qorshe dhameystiran oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha dhabta ah ee haysta beerlaeyda Soomaaliya iyo in lagu dhiirigaliyo dadka Soomaalida ah in ay ka faa;iideystaan dhul beeraadka hodanka ah ee dalkeena.
Bar-kulan