Wafdiga ka socda xukuumadda ee uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga ahna sii hayaha wasaaradda amniga ayaa kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose.
Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan oo ku sugan magaalada Marka ayaa sheegay in horumarro badan laga sameeyay xallinta xasaraddii u dhaxeysay beelaha ee ka dhacday gobolka, hase yeeshee wuxuu sheegay in loo baahan yahay in waqti badan la bixiyo si loo gaaro nabad waarta.
Qeybaha kala duwan ee bulshada ee bulshada ayuu la kulmay wasiirka ayadoo sidoo kale ay ciidamadu la wareegeen ammaanka qeybo ka mid ah gobolka.
Qeybta hoose ka dhageyso warbixin arrintaan ku saabsan oo uu magaalada Marka ka soo diray wariye Maxamed Xasan Cali.
Radio Muqdisho