Wasiirka Warfaafinta oo si kulul u Cambaareeyey dilkii Wariye Yusuf Keynaan

0
1285

YusufKeynanWasiirka Warfaafinta, Mudane Mustafa Duhulow ayaa si adag falkan dilka ah ee loo geystay Yusuf Ahmed Abukar (Keynaan) oo maanta gaarigiisa qarax lala beegsday, halkaas oo uu ku geeriyooday. Innaa Lillaahi Wa Inaa Illaahu Raajicuun, Geeridu waa xaq.

Wasiirka oo maanta ka qeybgalay aaskii wariyaha ayaa ka tacsiyeeyey geerida Yusuf Keynaan oo yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illaahu Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana tacsi u dirayaa qoyskii, asxaabtii, dhamaan bahda warbaahinta , maamulka Mustaqbal Radiyo iyo Ergo Radiyo iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaan EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo. AAMIIN.”

“Yusuf Keynaan waxuu ahaa shaqsi mustaqbal wanaagsan leh oo door wanaagsan ka soo qaatay warbaahinta dalka oo uu Tifatire ka ahaa Radiyo Mustaqbal isla markaana u shaqeynayey Radiyo Ergo ee ka hadlaya arrimaha gargaarka bani’aadanimo. Wariye Keynaan waxuu ku guuleystay bilad 2013 oo uu ku muteystay howl karnimo iyo shaqo dheeri ah. Kooxaha nabad-diidka ah ee caadeystay inay bartilmaameystaan wariyeyaasha waxa ay doonayaan waa inay warbaahinta Soomaaliyeed aamusiyaan, hase yeeshee waxaan ugu baaqayaa dhammaan bahda warbaahinta inay sii labalaabaan doorkooda muhiimka u ah shacabka si loo tuso kooxahan nabad-diidka ah inaysan marnaba ku guuleysan inay warbaahinta aamusiyaan.”

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay in hay’adaha ammaanka ay baaris dhab ah sameyn doonaan si sharciga loola tiigsado ciddii ka danbeysey dilka. Waxaana ugu baaqayaa bahda warbaahinta inay taxadar qabaan.