Weerar lagu qaaday Dalka Kenya

0
931

kenyanPoliceUgu yaraan 10 Ruux ayaa ku geeriyooday, tiro intaa ka badanna dhaawac ayaa soo kaaray kadib markii Kooxo hubeysan oo looga shakiyay Ururka Al Shabaab ay Qaraxyo iyo Weerarka ku qaadeen Nawaaxiga Saldhiga Ciidamada Booliska Mpeketoni ee Gobolka xeebta leh ee dalkaasi Kenya halkaasi Dalxiisayaasha Reer Galbeedka ay tagaan.

Kooxdan oo lagu tilmaamay Al Shabaab ayaa la sheegay in ay gubeen dhismoyaal oo ay ka mid yihiin dhowr Hotel oo ku yaala Gobolkaasi.

Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya Major Emmanuel Chirchir oo Bartiisa Twitter soo dhigay Warbixino ku aadan Weerarkii Saldhiga Ciidamada Booliska Mpeketoni ayaa sheegay in Ciidamada ay iska dofaaceen Al Shabaab.

Al-Shabaab waxa ay Kenya ku qaaday weeraro xiriir ah tani iyo markii Ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya seddax sano ka hor, si ay u caawiyaan Ciidamada AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.

skynewsfm