Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in ciidamada Kenya aysan ka tegi doonin Soomaaliya ilaa dalkaas nabad ka noqonayo, islamarkaana Alshabaab meesha ka baxayaan.
Hadalkaan oo dhawaanahan ay ku celcelinayeen madaxda dowladda hadda jirta ee Kenya ayaa jawaab u ahaa baaq kale oo mucaaradka ka yimid, kaasoo ahaa in ciidamada Kenya lag saaro Soomaaliya, si dadka dalkaasi uga nabad galaan Alshabaab.
Isniintii iyo Talaadadii tegay ayay Alshabaab labo weerar oo is xigay ku qaadeen magaalada yar ee Mpeketoni oo ku taalla gobolka Xeebta, waxeyna ku dilaan ilaa 63, iyagoo weliba ku hanjabay iney sii wedyaan werarada ilaa ciidamada Kenya ka guurayaan Soomaaliya.
“Waxaan sii joogi doonaa Soomaaliya, annagoo ka hoos shaqeyneyna AMISOM si loo abuuro nabad iyo deganaasho” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto oo ay soo xigatay Jariidada The Standard ee kazoo baxda Kenya.
William Ruto ayaa hadalkan shalay Nairobi ka jeediyey kadib markii uu la kulmay Raysulwasaaraha Soomaaliya, Cabdi Weli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayey.
Warkii