Deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud oo ay ka dhaceen dagaal beeleedyo ayaa lagu soo waramayaa in xaaladoodu degantahay.
Deegaanka Balanbal oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo maalmihii la soo dheefay ay ku dagaalamayeen beelo walaalo ah ayaa la sheegay in xaaladdu ay saaka degantahay kadib markii deminta colaaddaasi ay ku baxeen waxgaradka gobolka.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galgaduud oo gacan ka helaya odayaasha dhaqanka iyo waxgarad kala duwan ayaa la sheegay iney kala dhaxgaleen kuna guuleysteen iney xabad joojin dhex dhegaan beelaha ku dagaalamay deegaanka Balanbal, si wadahadal loogu bedelo dirirta.
Colaaddaasi ayaa la sheegay iney galaafatay nolosha dad rayid ah oo aan waxba galabsan, halka kuwo kalena ay ka soo gaartay dhibaatoyin kala duwan, waxaana colaadaasi aad uga xumaaday bulsha weynta ku nool gobolkaasi oo inbadan soo arkay cawaaqib xumada ka dhalata colaadaha.
Radio Muqdisho