Xasan Sh Maxamuud” waan Cafineynaa Godane hadii uu Dowladda isku Dhiibo”

0
1001

XasanSheekhMeetingInterComm20140319_3Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sh Maxauud oo Xalay ka qeyb galay Kulan Dood ah oo TV’ Universal uu ku Qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay Arrimo badan.

Xasan Sh Maxamuud ayaa waxaa wax laga weydiiyey sida Dowladdiisa ay ka yeeleyso,hadii uu isku soo dhiibo Hogaamiyaha Maleeshiyada Al-shabaab Axmed Cabdi Godane,waxaana Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in Xitaa Godane Cafis loo fidinayo,waa hadii uu ka haro Fikirka Al-shabaab iyo Al-qaa’ida.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale Su’aalihii Bulshada ay weysiiya ka mid ahaa in Dowladda uu Hogaamiyo ay Fashilantay oo wax ay qabatay aysanjirin,waxaana uu ku Jawaabay Xasan Sh Maxamuud in Dowladda uu Madaxda ka yahay aysan Fashilmin oo ay tahay mid sidii logu talo galay ku shaqeysa.

Kulanka Su’aalaha lagu weydiinayey Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Goobjoog ahaa,Raisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof.Jawaarin,inkastoo aysan Qeyb ka aheyn Su’aalo weydiinta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday in ay la Shaqeeyaan si looga Guuleysta Dagaalka ay wadaan kuwa Nabad diidkaa ee Al-shabaab.

Warkii.com