Xiisad Dagaal oo wali ka aloosan Gobolka Sh.Hoose

0
933

MarkaXiisadan oo ka taagan Duleedka Magaalada Marka ee Gobolka Sh.Hoose ayaa wararka waxaa ay sheegayaan in Maleeshiyo hubeysan oo wata Gaadiidka Dagaalka ay ku sii qul qulayaan Gobolka Sh.Hoose kuwaasi oo laga cabsi qabi in Dagaal uu ku dhexmaro Degano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Nawaaxiga Degaanka Ceel-Jaale ee Duleedka Magaalada Marka laga dareemayo dhaq dhaqaaq Ciidan maadaama halkaasi ay gaareen Maleeshiyo hubeysan.

Ugu dambeyn waxaa jiro Baaqyo kala duwan oo ku aadan joojinta Xiisadaha iyo Dagaalada ka taagan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose laakiin uma muuqdaa in Dhinacyadaasi ay qaadanayaan baaqyada loo jeedinayo maadaaama dhaq dhaqaaq Xoogan uu ka jiro Saakay Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

Shabelle