Xildhibaanno Baarlamaanka Kenya ah oo dalbaday in Madaxweynaha dalkaasi uu is casilo

0
919

UhuroKenyata1Kadib kulan sawaxan iyo Buuq uu hareeyay oo shalay ay ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa waxa ay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ay ka codsadeen in uu iscasilo kadib markii ay sheegeen in uu ku fashilmay waxyaabihii loo igmaday.

Xildhibaanadaan oo ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay in amni darrida ka jirta waddanka Kenya aysan dhici jirin xilligii uu hoggaanka dalkaasi ahaa Raila Odinga.

Dalka Kenya ayaa muddooyinkii dambe ay ku sii xoogeysanayeen weerarada ka dhaca oo ay geystaan dagaalyahannada dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Baaqa Xildhibaanada Kenya ee ay ku dalbanayaan in uu is casilo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi ayaa mid la mid ah horay waxaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu jeediyay Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan kadib markii ay sheegeen in uu ku fashilmay wax ka qabashada amniga iyo xaaladaha guud ee hoggaanka dalka loogu igmaday.

 

Shabelle