Kadib kulan ballaaran oo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxa ay intooda badan kaga hadleen arrimo la xiriira fara gelin ay sheegeen in lagu hayo dowladda Soomaaliya.
Faragelintaas ayey sheegeen Xildhibaanadu in dowladda Soomaaliya ay ku hayaan dowlado Shisheeye waxaana ay ku tala bixiyeen in dowladahaasi ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan Shacabka iyo dowladooda Soomaaliyeed.
Xidlhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu beesha Caalamka si kulul ugu eedeeyay in dhaqaalaha ay ku bixiyaan dalka badi ay kaga golleeyihiin in ay ka fushadaan dalka Maslaxadooda gaarka ah.
Dhanka kale Xildbhibaan C/llaahi Jaamac oo ka tirsan isna Xildhibaanadii kulankaasi ka qeyb galay ayaa sheegay in ajaanib iyo cid kale aysan uga heybeysaneynin faragelin in ay ku sameeyaan dalka isagoo tibaaxay in xaaladda dalka uu haatan ku jiro ay sii socoyo ay sababi doonto bur bur soo wajaha qaranimada Soomaaliyeed.
Shabelle