Xildhibaanno ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleeyada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka

0
821

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_7Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u diray beelaha Walaalaha ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobollada dalka, iyaga oo dhanka kale ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya in arrintaasi ay xal u hesho.

Xidlhibaanadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aad uga xunyihiin dagaalada dhiig badan ku daadanaya ee soo noq noqday, kuwaasi oo ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana ay ku baaqeen in si sharuud la’aan ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada maanta baaqa jeedinayay ayaa sheegay inay cambaareynayaan dagaalada ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan Mudug, Galgaduud iyo Shabeelaha Hoose, waxaana uu Xukuumadda ka dalbaday in ay u istaagto sidii xal loogu heli lahaa rabshadaha ka aloosan gobollada dalka qaarkood.

Xildhibaan Xaaji Cali ayaa baaq u diray beelaha ku dagaalamaya deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo dagaalada ka dhacay gobolka Galgaduud.

“Dagaalada ka socda Gobolka Galgaduud, waxaan leenahay dagaalka hala joojiyo, haloo hogaansamo baaqyada dhinacyada kala duwan uga imaaneysa, cidkasta halagu tixgeliyo goobtii ay deganayd, waan waanta iyo odoyaasha dhex dhexaadinta wada warkooda hala qaato, Dhanka kale dadka ku dagaalamaya Gobolka Shabeelaha Hoose waxaan leenahay waa mid soo noq noqday qasaaro badan baa ka dhashay, waa gobol hodan ah hala joojiyo dagaalka” ayuu yiri Xildhibaanku.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi ayaa ka sheekeeyay qasaaraha laga dhexlo dagaalada sokeeye, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu ay war cad ka soo saarto dagaaladaasi soo noq noqday oo aysan ku ekaan oo kaliya in baaq la jeediyo.

Radio Muqdisho