Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe horumarsan oo lagu diiwaan gelinayo dhamaan gaadiidka ka howlgala dalka, si ay qeyb uga noqoto sugidda amaanka Qaranka.
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji ayaa sheegay in si amaanka loo adkeeyo ay xukuumaddu waddo qorshe casri ah oo lagu diiwaan gelinayo dhamaan gaadiidka berriga ee dalka, arrintaasoo ay golaha Wasiiradu uga doodeen kulankoodii todobaadlaha ahaa ee Muqdisho ay ku yeesheen.
Ridawaan Xaaji afhayeenka xukuumadda ayaa intaa ku daray in qorshaha diiwaan gelinta gaadiidka berriga uu qeyb ka yahay hanaanka dowladdu ku xasilineyso amniga guud ee dalka, si looga hortago dhagaraha ay maleegayaan maleeshiyaadka Shabaab.
Radio Muqdisho